PUNSAA oo ka hadashay mashruucii fashilmay ee dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo

Wadada Garowe iyo Galkacyo

Dallada Bulshada rayid ka ah Puntland (PUNSAA) ayaa war-saxaafadded ay soortay kaga hadashay mashruucii fashilmay ee dhismaha wadada isku xirta Garowe iyo Galkacayo.

Wa-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in PUNSAA ay ka xuntahay joojinta Mashruuca dayactir ka wadada isku xirta Garowe iyo Galkacayo, oo ay maalgalinaysay Midawga Yurub (EU) ayna fududaynaysay Hay’ada Caalamiga dowlada Jarmalka u qaabilsan arimaha horumarinta (GIZ).

Dallada Bulshada rayid ka ah Puntland (PUNSAA) ayaa u soo jeedisay dhamaan daneeyayaasha mashruucaas 5 qodob oo kala ah.

  1. In Dawlada Puntland ay u saarto guddi madax bannan oo baarintaan ku sameeya khaladaadka dhacay ee ay dawlada Jarmalku ku joojisay mashruuca, si loo ogaado cida iska leh masuuliyadaas, waxna looga barto, si aysan dib danbe u dhicin.
  2. Guddiga arintaas loo xilsaarayo waa in uu ka koobnadaa xubno aqoon iyo khibrad u leh mashaariicda wadooyinka, bulshada dhexdeedana ku leh sumcad si loogu kalsoonado go’aanada ay soo saaraan.
  3. Dallada Bulshada rayid ka ee PUNSAA waxay dawlada jarmalka, hay’ada GIZ iyo Midowga yurub uga mahadcelisay taageerada joogtada ah ee ay u fudiyaan shacabka Soomaliyeed gaar ahaanna shacabka Puntland iyo balanqaad kooda ah in aysan arintaani saamayn ku yeelan mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan Puntland.
  4. Dallada PUNSAA waxay soo jeedisay in arintaan laga furo wadahadal si loo saxo khaladaad ka dhacay, bulshada rayid ka ahna laga siiyo door korjoogtayn ah “Observation role“.
  5. Dalladu waxay soo jeedisay in aan dhaqalihii loogu talagalay wadadaas aan loo wareejin meel kale, taas oo niyad jab ku noqon karta shacabka mudada dheer sugayey dhamaystir ka wadadaas.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka PUNSAA

PUNTLAND POST