Jadwalka shaqo ee Kal-fadhiga Afraad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lasoo bandhigay

Muqdisho (PP) ─ Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda 41-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho, iyagoo kaga hadlay arrimo kala duwan.

Inta badan kulanka ayaa waxaa looga hadlay shaqooyinkii hor-yaalla Golaha Shacabka iyo siddii loo hormarin lahaa, Waxaana xubnaha guddiga ay soo bandhigeen talooyinkooda ku aaddan sida loo wajahi karo hawlaha horyaalla golaha shacabka iyo kala hor-marintooda.

Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Somalia, ayaa isku raacay in si dar-dar leh loo shaqeeyo, maadaama waqtiga uu yar yahay shaqadana ay badan tahay.

Sidoo kale, Waxay ka doodeen sida loo kala hormarin karo shuruucda hadda hortaalla Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo heerar kala duwan maraya sida hindise sharciyeedayada xukuumadda ay soo gudbisay oo aan weli golaha shacabka la hor-geyn iyo hindise sharciyeedyo maray akhrinta koowaad iyo labaad.

Guddoomiye ku-xiggeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in kal-fadhigaan shaqooyin badan la doonayo in la qabto, isaggoo xildhibaannada kula dardaarmay inay u soo diyaar-garoobaan gudashada masuuliyada saaran.

“Xildhibaannada Baarlamaanka waxaa hor-yaala hawlo fara badan inta uu socdo kal-fadhigan afaraad, kuwaasoo ay ugu horreeyaan miisaaniyadda, anisxinta hindise-sharciyeedyada muhiimka u ah dalka iyo dib u eegista dastuurka,” ayuu yiri Muudeey.

Ugu dambeyn, Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay Jadwalka uu Golaha Shacabka ku shaqeyn doono kalfadhiga afraad oo socon doona tan iyo inta uu ka dhammaanayo sannadkan.

PUNTLAND POST