Mashruuca”waxbar carruurta Soomaaliyeed” oo Garoowe laga daah-furay

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe ka daah-furtay barnaanij lagu magacaabo”waxbar carruurta Soomaaliyeed” oo lagu caawinayo carruurta ka soo jeeda qoysaska saboolka ah ee aan awoodin in ay waxbarashada ka bixiyaan ubadkooda,gaar ahaanna dadka ay saamaysay abaartii dalka soo martay.

Mashruucan oo ay ka faa’idaysanayaan in ka badan 11 kun oo arday danyar ah,ayaa waxaa maal-gelinaysa dowladda Qatar,waxaana fulintiisa leh hay’adda Mercy Corps,iyadoo mashruucu ka shaqeyn doono saddexda gobol ee kala ah;Mudug,Nugaal iyo Karkaar ee Puntland,sida ay sheegtay  wasaaraddu.

Maxamed Cabdi Xaaji oo ka tirsan hay’adda Mercy Corps ee mashruucan fulinaysa oo ugu horrayn faahfaahin ka bixiyay barnaamijka,ayaa sheegay in mashruuca ay hoggaanka u hayso wasaaradda waxbarashada Puntland,halka hay’addiisuna ay si buuxda uga fulin doonto degaannada loo qorsheeyay,si looga faa’ideeyo ardayda ka soo jeeda qoysaska aan awoodin in ay lacagta iskuulka ka bixiyaan carruurtooda.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland,Maxamed Cali Faarax(Farmayeeri) oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay,ayaa sheegay in wasaaraddu ay ku guulaysatay soo celinta hay’adda Mercy Corps oo in mudda ah ka maqneyd arrimaha taageeridda waxbarashada Puntland,isagopo hay’adda ku ammaanay kaalinta ay kaga jirto horumarinta waxbarashada dalka.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan ballaaran uu qeyb ka yahay qorshe ay wasaaraddu ku doonayso in ay dib iskuulada ugu celiso in ka badan 30 kun oo arday ka soo jeeda qoysaskii abaartu samaysay ee awoodi waayey in ay carruurtooda waxbarashada ka bixiyaan.

Ugu dambeyntii, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Pro. Abshir Yuusuf Ciise oo si rasmi ah mashruuca u daahfuray ayaa sheegay in mashruucan uu daboolayo baahida waxbarasho ee ardayda ka soo jeeda qoysaskii ay saamaysay abaartii”SIMA” iyo kuwa kale ee duruufaha dhaqaale u saamixi-waayeen in ay waxbarashadooda sii wataa.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in mushruucan uu door weyn ka qaadanayo baahinta waxbarashada as’aasiga ah ee degaannada Puntland,islamarkaana xilligii loo baahnaa ku soo aaday.

 

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar