Aqalka Sare oo Maanta go’aan kasoo saaray Khilaafyo ka Taagan Maamul-goboleedyada

Muqdisho (PP) ─ Aqalka sare ee baarlamaanka Somalia oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay go’aan kasoo saareen khilaafyada sare u sii kacaya ee ka taagan maamul-gobleedyada Somalia, kuwaasoo intooda badan lagu eedeeyay inay ka dambeyso dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xubnaha Aqalka sare ayaa sheegay inay guddiyo xaqiiqo-raadin ah u diri doonaan dhammaan maamul-goboleedyada dalka, si ay u soo xaqiijinyaan cabashooyinka maamul-goboleedyada oo salka ku haysa mooshinno is-bar-bar socda ee laga keenay mas’uuliyiinta maamulladaas.

Sidoo kale, Qoraalka kasoo baxay guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somalia, ayaa lagu sheegay in guddiga loo diri doono maamul-gobleedyada looga baahan yahay inay gutaan waajibkooda dastuuriga ah, ayna ka miro-dhaliyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka iyo is-maandhaafka taagan.

Bayaankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo mooshinno is-daba socda ay ka jiraan maamul-goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug, kuwaasoo laga keenay mas’uuiyiinta sare ee maamulladaas, iyaguna ay dowladda dhexe ku eedeeyeen inay dabada-ka-riixayso, inkastoo dowladda FS aysan is-difaacin.

AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare;

PUNTLAND POST