Golaha xukuumadda Puntland oo taageeray shirkii Kismaayo

Shir deg deg ah oo Golaha xukuumadda Puntland ay maanta ku yeesheen magaalada Garoowe ayaa lagu taageeray qodobadii ka soo baxay shirkii magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha dowladda Puntland,Dr.Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo guddoomiyay shirkan deg deg ah ayaa xukuumadda faahfaahin ka siiyay qodobadii lagu go’aamiyay shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka ee lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Golaha xukuumadda ayaa warbixinta kadib si buuxda u taageeray dhammaan qodobadii ka soo baxay shirkaasi,sida lagu sheegay war-murtiyeed ay soo saartay madaxtooyada Puntland.

Dhinaca kale shirka  ayaa looga hadlay dhismaha wadada laamiga ah ee xiriirisa tuulada Jalam  iyo magaalada  Gaalkacyo,Waxaana war-murtiyeedka lagu sheegay in dhismaha wadadaasi u socdo sidii loogu tala-galay,islamarkaana ku dhammanayo wakhtiga loo qorsheeyay.

PUNTLAND POST