Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland ayaa heshiis is faham ah magaalada Nairobi kula saxiixatay Xarunta Caalamiga ah ee Qiimaynta iyo Horumarint ee lagu magcaabo ICED taas oo waddamo badan caalamka ah ka hawl-gasha.
Heshiiska oo ah mid looga gollahaa iskaashi dhex mara labada dhinaca oo la xiriira tayay iyo khibrad is weydaarsi ayaa dhanka Puntland waxa laysla qaatay in wax laga qabto tayaynta shaqaalaha Waaxda Qiimaynta iyo Kormeerka ee Wasaaradda Qorshaynta Puntland iyo sidookale sidii loo dejin lahaa hannaan daah furan oo ku salaysan xog is weydaarsi.
Sidoo kale waxaa laysla qaatay in lawada diyaariyo Manhajka barashada Daraasaadka Kormeerka iyo Qiimaynta si loo waafajiyo baahida rasmiga ah ee Waddanka ka jirta iyo sidoo kale in Wasaaradda iyo Xaruntu ay yeeshaan kulamo is dabo joog ah oo la xiriira xoojinta iskaashiga labada dhinac.
You must be logged in to post a comment.