Qarax aad xoogan maqalkiisana si weyn looga maqlay ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa warar hor-dhac ah oo aan heleyno ay sheegaya in uu ka dhacay xarunta degmada Hodan ee Muqdisho.
Wararkaan hor-dhaca ah oo ku soo dhacay goordhow warqabadka Puntland Post ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in gaari qarax ah lagu dhuftay xarunta degmada Hodan ee Muqdisho.
Dhowaan ayey aheyd markii qarax ismiidaamin ah oo noocaan oo kale ah kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta Degmada Howlwadaag ee Muqdisho.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo ah mid aad u cuslaa.
Faah Faahinta dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho