FARMAAJO: Qof kasta oo Soomaali ah waa in uu Jimco walba Saacado u shaqeeyo Dalkiisa

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia oo maanta ka hadlay furitaankii kal-fadhigii afaraad ee Baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa sheegay in looga baahan yahay muwaadin walba oo Soomaaliyeedd inuu muddo 2-saac iyo bar ah u shaqeeyo qarankiisa maalin walba oo jimco ah.

Farmaajo ayaa sheegay in tani ay qayb weyn ka qaadanayso sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, wuxuuna xusay in tallaabooyinkan oo kale lagu dhisayo waddamo badan oo caalamka ku yaalla, gaar ahaan Afrika.

“Qof walba oo Somali ah, Waxaa looga baahan yahay malain walba oo Jimco ah inuu muddo 2-saac iyo bar ah uu u shaqeeyo Qarankiisa, si dalka dib loogu dhisho,” ayuu yiri Farmaajo oo intaas ku daray in dalal oo colaado soo maray in tallaabadan oo kale lagu dhisay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in haddii la isku kaashado dib u dhiska dalka in muddo kooban dalka oo dhan lagu dhisi doono, isagoo xusay in la doonayo in 32-xarumood lagu dhiso hannaanka is-xil-qaan.

“Waxaan doonaynaa inaan 32-goobood oo ay ku jiraan jardiinooyinka iyo golaha kale sida Garoonka Kubadda Cagta lagu dhiso hab is-xil-qaan ah oo qof walba uu ka qayb-qaato,” ayuu hadalkisa ku daray.

Hadalka Madaxweynaha Somalia ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Ciidamada AMISOM ay isaga baxeen Garoonka Stadium Muqdisho, halkaasoo muddo 7-sano ah u ahayd fariisin ciidan, Dowladduna ay ballanqaaday inay dib u dhis ku sameyn doonto.

Ugu dambeyn, Madaxweynuhu ma sheegin xilliga uu qorshahan dalka loogu shaqeynayo uu billaaban doono, iyadoo Farmaajo uu noqonayo mas’uulkii ugu horreeyay oo ku dhawaaqa tallaabadan oo kale.

PUNTLAND POST