RW Kheyre Oo Dhagax-Dhigay Xarun Muhiim Ah Oo kutaala Muqdisho

Muqdisho-[Puntland Post]-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Maanta dhagax dhigay Xaruntii hore ee Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya oo dib u dayactir ballaaran dhawaan lagu samayn doono.

Dayactirka lagu sameynayo Xaruntan ayaa  waxaa iska kaashanaya dawladda Soomaaliya iyo dawladda Qatar. Waxayna qayb wayne ka tahay dadaalka ay Xukuumadda Soomaaliyeed ugu jirto sidii dib loogu soo celin lahaa  bilicdii ay lahaan jireen Xarumihii dalka.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye oo goobjoog ka ahaa dhagax-dhiga Maanta ee Xaruntii hore ee Wasaaradda ayaa waxa uu ka sheekeeyey Taariikhda ay leedahay iyo sidii loogu Shaqeyn jiray.

Cabdiqani Boos

Puntland Post