Nabadoon Siciid Cabdullaahi Maxamed oo lagu caleemo saaray Garoowe

GAROOWE — Nabadoon Siciid Cabdullaahi Maxamed (Faroole), ayaa maanta lagu caleemo saaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Caleemo-saarka Nabadoonka ayaa ka dhigay inuu si rasmi ah uga mid noqdo nabadoonada Gobolka Nugaal, isagoo qayb ka noqonaya hoggaanka dhaqanka ee gobolka.

Munaasabadda caleemo-saarka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland iyo hoggaanka dhaqanka Puntland, kuwaas oo munaasabadda kula wadaagay Nabadoon Siciid hambalyo iyo bogaadin.

Caleemo-saarka ayaa ku soo beegmaya xilli doorka nabadoonnada iyo hoggaanka dhaqanka uu muhiim ka yahay arrimaha bulshada, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka ka jira deegaanka.

Nabadoon Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa hadda si rasmi ah uga mid ah nabadoonada Gobolka Nugaal, wuxuuna Nabadoonimada ka dhaxlay Aabihii Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdullaahi Faraweyne oo ka mid ahaa caaqilada sida wayn loogu xasuusto doorkii uu ku lahaa nabadadda iyo horumarka Puntland, gaar ahaana gobolka Nugaal.

PUNTLAND POST