
Jigjiga (PP) ─ Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar [Cag-jar], ayaa ciidanka Liyu Police-ka ugu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqda shacabka marka fulinayaan hawlaha loo igmaday.
Mudane Cag-jar, ayaa ciidamada Liyu booliska iyo Booliska caadiga ah kula dardaarmay inay dhawraan sharciga dalka, isla markaana ay ka shaqeeyaan danaha guud ahaan shacabka.
”Waa inaad fulisaan dar-daarankeennii ahaa in xuquuqda insaanka la dhawro oo shaqooyinkiinna aad shacabka ka farxisaan, haddii aad shacabka oo dhan dhawrtaan waxaad heli doontaan darajooyin iyo abaal-gudyo kale oo aad ku faraxdaan,” ayuu yiri madaxweyne Cag-jar.
Sidoo kale, Wuxuu ugu baaqay ciidamadan inay iska ilaaliyaan tallaabo kasta oo xad-gudub u horseedi karto shacabka, ayna ku dadaalaan anshaxa iyo dhaqan-wanaagga marka ay hawshooda gudanayaan.
Madaxweynaha DDSI, ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kala amar qaadasha ciidammada dhexdooda, wuxuuna yiri. “Hadday noqoto qaabka amar qaadashada, wada-shaqeynta iyo hawlaha kaleba waa inaan u raacno sida sharcigu qorayo.”
Dhanka kale, Madaxweyne Caj-jar ayaa sheegay in Tabbabarkii ay qaateen Ciidamada Booliska iyo Liyu Booliska ay wax ka beddeli doonto noloshooda iyo qaabka ay u howlgalaan.
Hadalkan ayuu madaxweynuhu sheegay xilli uu ka qayb-galayay xaflad lagu dallacsiinayay Qaar ka mid ah taliyeyaasha cusub ee ugu sarreysa ciidanka Liyu booliska Dowlad-deegaanka Soomaalida-Itoobiya.
Ugu dambeyn, Tabbabarada loosoo gaba-gabeeyay Ciidanka Liyuu Booliska DDSI ayay mas’uuliyiintu sheegeen in looga gol-leeyahay in ciidamada ay la jaan-qaadaan is-beddellada ka socda Itoobiya oo dhan.
PUNTLAND POST