Madaxweyne Farmaajo oo Shir Wada-tashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad-goboleedyada

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa shir wada-tashi ah ugu yeeray madaxda dowlad-goboleedyada dalka, kuwaasoo maanta uu shir socday dhwar maalmood ugu soo dhammaaday magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland.

Shirkan oo ka dhici doona Magaalada Muqdisho 17-ka – 18-ka bishan Sebteembar, 2018 ayaa looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka, waxaana shirkan lagu wadaa in loga hadlo qodobbo ka mid ah kuwii Dowlad-goboleedyadu ay uga doodeen shirkoodii ugu dambeeyay.

Qodobbada looga hadli doono shirka waxaa ka mid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah ee Al-shabaab iyo daacish, hir-gelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.

Sidoo kale, Waxaa shirkan looga arrinsan doonaa Arrimo Muhiim u ah Hannaanka Dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Ugu dambeyn, Shirkan uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Hoggaamiyeyaasha Dowlad-goboleedyada dalka ay shirkoodii Kismaayo kaso saareen war-murtiyeed ay ku sheegeen inay joojiyeen wada-shaqeyntii kala dhexeysay Dowladda Federaalka ah, iyadoo aan la ogeyn jawaabta ay casuumaddan ka bixin doonaan madaxda maamul-goboleedyada dalka.

PUNTLAND POST