Guddoomiyeyaal cusub oo loo magacaabay Maxkamadaha Demooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta guddoomiyeyaal cusub u magacaabay 14-ka degmo ee gobolka Banaadir, kuwaasoo hawsha kala wareegi doona guddoomiyeyaashii ka horreeyay.

Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Baashe Yuusuf Axmed, ayaa lagu xusay in sidoo kale la dallacsiiyay 10 mas’uul oo kale oo ka shaqeyn doona maxkamadaha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir, Avv. Abshir Cumar C/llaahi oo wareegtadan saxaafadda u akhriyay ayaa sheegay in mas’uuliyiinta la magacaabay laga doonayo inay la yimaadaan shaqooyin isugu jirta hawl-karnimo iyo cadaalad.

“Dhammaan garsoorayaasha laga magacaabay iyo kuwa la dallacsiiyayba, waxaa laga doonayaa inay bulshada ugu shaqeeyaan cadaalad, iyagoo ka digtoonaanaya eex iyo nin jeclaysi,” ayuu yiri Garyaqaan Abshir Cumar.

Guddoomiyeyaasha la magacaabay waxaa ka mid ah;

  1. Maxamed C/llaahi Yuusuf, Guddoomiyaha Degmada Xamar-weyne
  2. Maxamed Ibraahim C/llaahi, Guddoomiyaha Degmada Xamar-jajab
  3. Axmed Abuukar Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Waaberi
  4. Maxamuud Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Degmada Dharkeynley
  5. Maxamuud Salaad Cali, Guddoomiyaha Degmada Wadajir
  6. Sheekh Cumar Cali Shirwac, Guddoomiyaha Degmada Dayniile
  7. Maxamed Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid
  8. Cumar Sh. Yuusuf Sh. Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Huriwaa
  9. C/llaahi Maxamed Rooble, Guddoomiyaha Degmada Kaaraan
  10. C/raxmaan Xuseen Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley

Ugu dambeyn, Garyaqaanka ayaa intaas ku daray in magacaabistan ay qayb ka tahay isbedello lagu sameynayo garsoorka dalka, si loo cadaalad dadka oo dhan wada-gaarta, isla markaana yareysa cabashooyinka kaga imaanaya dhanka garsoorka.

Haddaba, DHAGEYSO: Guddoomiyeyaasha la magacaaba oo Dhameystiran;

PUNTLAND POST