Laacib ka cayaara Qaaradda Yurub oo Kabtan looga dhigay Xulka Kubadda Cagta ee Brazil

Rio de Janeiro (PP) ─ Weeraryahanka Kooxda Kubadda Cagta ee Paris Saint-Germain, Neymar Da Silva JR, ayaa loo magacaabay kabtanka xulka Qaranka Brazil, isagoo wixii hadda ka dambeeya hoggaamin doona xulka dalksiisa.

Neymar JR ayaa aaminsan in hor-kicista xulka Jaalleyaasha ay tahay mid isaga u fiican, isla markaana u kordhin doona magic iyo maamuus dheeri ah oo aanu horay u haysan.

Tababare Tite, ayaa Neymar magacaabay kantan-kiisa rasmiga ah, iyadoo Koobkii Adduunka xulka Brazil uusan lahayn kabtan rasmi ah.

Xiddigo badan oo ay ka mid yihiin Thiago Silva, Joao Miranda, Casemiro iyo Marcelo ayaa xirtay marada xushmadda ee xulka Selecao, dhacdadii Koobka Adduunka oo ay ugaga hareen wareegga Siddeed Dhammaadka.

Kullanka maaliyadda cusub ay isticmaalayaan isla markaasna ay caawa la ciyaarayaan USA ayuu Neymar hooggaamin doonaa xulka Brazil.

26-jirkan iyo macallinkiisa Tite ayaa saxaafadda horteeda kasoo muuqday, waxaana Neymar uu werriyeyaasha u sheegay inuu aqbalay inuu noqdo Captain-ka rasmiga ah ee Brazil.

“Waan aqbalay markale, waayo, wax badan ayaan soo bartay, haddane waa baran doonaa, masuuliyaddaan waa mid aniga ii wanaagsan” ayuu yiri Neymar.

Ugu dambeyn, Xulka dalka Brazil ayaa wuxuu ka mid yahay xululka ugu awodda badan caalmaka, marka loo eego dhanka kubadda cagta, iyadoo ay u cayaarana laacibiin magic ah oo ka mid ah kuwa ugu qaalisan Dunida oo dhan.

PUNTLAND POST