Kulan Gaar ah oo looga Hadlayo Xaaladda Guud ee Suuriya oo Maanta ka dhacaya Iiraan

Tehran (PP) ─ Shir saddex geesood ah oo diiradda lagu saarayo colaada dabada dheeraaday ee Waddanka Suuriya ayaa maanta galinka dambe ka dhacaya dalka Iraan.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, Ruushka Vladimir Putin iyo Iiraan Hassan Rauhani, waxaana lagu saari doonaa diiradda colaadda ka taagan Suuriya iyo sidii dhaqso ah loogu heli lahaa.

Ciidamada Suuriya oo ay dhanka hawada ka taageerayaan Ruushka ayaa isku diyaarinaya dagaal culus oo ay ku qaadaan gobolka Idlib oo ah gobolkii ugu dambeeyay ee ay xoogagga mucaaradka ka talioyaan.

Waddanka Turkiga ayaa walaac xooggan ka mujinaya in dagaalkaan uu u xaaro dhabbaha qaxooti cusub oo badan, sababtoo ah gobolka idlib wuxuu la leeyahay soohdin Turkiga, Wuxuuna Turkiga ka cabsi qabaa in ay saameyn ku yeeshaan waddanikiisa qaxootigaas.

Dhanka kale, Maamulka Mareykanka yaa sheegay inay hayaan cadeeymo ah in Dowladda Suuriya ay isu diyaarinayso in hubka kiimikada ay u isticmaasho dagaalka doonayso in ay ku qaaddo gobolka Idlib.

Suuriya ayaa waxaa ka jiray colaado ka billowday mucaaradka iyo Dowladda Suuriya ayaa socda muddo toddoba sannado ah, iyadoo inta badan shacabka dalka Suuriya ay ka barakaceen deegaannadoodii, halka malaayiin kalena ay ku naf-waayeen, kuwa kale ay ku curyaameen.

Ugu dambeyn, Shirka saddexdan madaxweyne ayaa gogol xaar u noqonaya sidii looga shaqeyn lahaa xasilloonida suuriya iyo sidoo kooxaha argagaxisada ah looga saari lahaa dalkaas.

PUNTLAND POST