Mareykanka oo laga codsaday in Millateriga Somalia uu ka Caawiyo Dagaalka Al-shabaab


Muqdisho (PP) ─
Taliyaha ciidanka xoogga Somalia, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka socotay Dowladda Mareykanka, waxayna kawada-hadleen dib u dhiska ciidanka iyo arrimo kale.

Si gaar ah ayaa labada dhinac waxay uga hadleen sidii Mareykanka ay ciidanka Xoogga dalka uga taageeri lahaayeen xoreynta dalka,  tababarka ciidanka , is-dhaafsiga qibadaha dhanka ciidamada iyo Qodobbo kale.

Jen. Aadan Cilmi ayaa Dowladda Mareykanka ka dalbaday inay kordhiyaan taageerida, tababarada ay siinayaan ciidanka xoogga dalka iyo weerarada ay Al-shabaab la beegsanayaan.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu dalbaday in Al-shabaab si deg-deg ah looga saaro dalka oo dhan, taas beddelkeedana waxay keentay in Dowladda ay shaaciso inay qaadi doonto dagaal xooggan, kasoo dalka looga saarayo Al-shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan,” ayuu yiri Jen. Indha-qarshe.

Sidoo kale, taliyaha ayaa hadalkiisa ku dara in dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab uu u baahan iskaashi joogto ah, isagoo xusay inuu hub in looga adkaan doono Al-shabaab dagaal wadajir ah oo lagu qaado.

Xukuumadda Washington ayaa ka mid ah dalalka sida gaarka ah Soomaaliya uga caawiya dhanka tababarada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa weli ka talisa deegaanno fara badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Somalia, inkastoo Mareykanka uu xilliyadii u dambeeyay la daba-joogay duqeymo cirka ah oo lagu curyaaminayo kooxda si loo wiiqo awooddooda.

PUNTLAND POST