Puntland oo sheegtay in dagaal beeleedka degaanka Dhumay ay ku lug leedahay Somaliland

Iyadoo dagaal beeleedyo ka dhacay degaanka dhumay ee gobalka Sool ay ku dhinteen in ka badan 10 qof ayaa waxaa arintan baaq ka diray qaar kamida xildhibaanada baarlamaanka Puntland, waxayna beelahaas walaalaha ka codsadeen inay xabadda joojiyaan soona fariistaan miiska wada hadalka.

Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo nasiib darro ku timaamay dagaalka ka soconaaya koonfurta gobalka Sool ayaa dhanka kale ku eedeeyey maamulka Somaliland inay ku lug leedahay collaada ka alloosan gobalka Sool, wuxuuna xildhibaanku tilmaamay inay Somaliland isku hubayso ciidan beeleedyadda ku dagaalamaaya degaanadaas.

Dhanka kale degaankii maanta lagu dagaalamay ayaa laga dareemayaa saasaan collaadeed, mana jirto cid isku taxalujisay illaa hada sidii loo dhex gala lahaa beelahaa walaalaha ee dhiigooda isku daadanaayo.

PUNTLAND POST