Hogaamiyeyaasha Somalia, Itoobiya & Eritrea oo Heshiis Hordhac ah ku saxiixday Asmara

Asmara (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kan Eritrea, Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa goor-dhaw heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.

Heshiiskan lagu qeexay in Somalia, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.

Sidoo kale, dhinacyada hesiiskan galay ayaa la filayaa inay wadahadallo kale yeeshaan, kaaso ay kusoo saarayaan Qodobada faah-faahsan ee heshiiskan ay gaareen.

Dhaka kale, Heshiiskan ayaa yimid kaddib markii ay Asmara xalay kulan ku qaateen Madaxweynayaasha Somalia, Eritrea, iyo Ra’iisul Waaaraha Itoobiya. Iyadoo madaxdu ay isku raaceen in wafdi caalami ah loo diro Jabuuti si loo dhameeyo khliaafka kala dhexeeya Eritrea.

Qodobbada heshiiskan ayaa waxay gogol-xaar u yihiin sidii la isugu xiri lahaa xaaladda amni iyo kobaca dhaqaale ee dalalka gobolka, Maadaama ay hadda dunidu u soo jeesatay fursadaha maalgashiga ee Geeska Afrika.

Kulankan saddex-geesoodka ah, ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo weli uu jiro muran u dhexeeya Dowladaha Somalia iyo Jabuuti, kaasoo salka ku haya hadal uu Madaxweyne Farmaajo ka sheegay magaalada Askara bishii July ee sannadkan.

Ugu dambeyn, Markab ay leedahay Dowladda Itoobiya ayaa shalay kusoo xirtay Dekedda Musawac ee dalka Eritrea, taasoo muujinaysa sida uu u sii xoogeysanayo heshiiska u billowday waddan oo muddo labaatan sano ah ku dagaalamay lanaashana magaalo ku taalla xuduudda labada waddan.

PUNTLAND POST