Duqa Bosaso iyo ku xigeenkiisa oo la doortay

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, duqa cusub ee Bosaso.

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ku guuleystay doorashadii duqa degmada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, kadib markii uu helay cod aqlabiyad ah.

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa helay 28 cod, waxaana la tartamayay musharax Maxamed Faarax Mire oo helay 3 cod,  waxayna doorashadu ku dhacday cod qaarsoodi.

Siciid Cabdiraxmaan Maxamed (Garoon)

Sidoo kale ku xigeenka duqa degmada Boosaaso waxaa ku guuleystay Siciid Cabdiraxaam Maxamed (Garoon) oo helay 26 cod, halka masharaxii la tartamayay oo ahaa Mubaarak Salaad Cali uu helay 5 cod.

Goobta ay doorashadu ka dhacday waxaa goob-joog ka ahaa ,Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladdaha hoose ee Puntland Cabdulaahi Timacade,  ku xigeenkiisa ,Wasiirka dekadaha, maamulka Gobalka Bari iyo madax kale.

Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Boosaaso ayaa ka kooban 31 xubnood.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post