Cudurka Ebola oo mar kale faro kulul ku haya Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo

Cudurka Ebola ayaa lagu dhawaaqay inuu ka dillaacay Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo oo ku taal bartamaha qaarada Afrika,  waxaana la sheegay in markii ugu horaysay 1-dii August lagaga dhawaaqay gobalka Kivu oo ku yaalla waqooyiga Bari ee Dalkaasi.

Xanuunkan ayaa la ogaaday inuu soo laba-kacleeyey 19-kii bishii July ee sanadkan markii haweeney ku nool wadanka Congo ay u geeriyootey qandhadda Ebola sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF, kadib geeridii haweenaydaas ayaa qaar kamida qoyskeedii lagu arkay isla qandhadan dhiig baxa wadata taas oo ah callaamadaha xanuunka Ebola.

Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhaaruyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa ka codsatay ururka dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn inay sameeyaan dadaallo dheeraada oo lagu xakamaynaayo cudurkan halista oo u muuqda mid kusii fidaaya qaybo kamida Dalka.

Laga soo bilaabo sadexdii bishan September ururka dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF waxay daaweeyeen illaa 65-qof oo uu halleelay xanuunka Ebola kuwaas oo la dhigay xarumaha caafimaadka ee lagu dabiibaayo dadka uu xanuunkaasi soo ridinaayo.

337-Shaqaalle ayey MSF hawlgelisay si ay uga shaqeeyaan xakamaynta iyo daaweynta xanuunkan dillaaga ah.

Illaa 121-qof ayaa la xaqiijiyey inuu haleelay cudurka Ebola, waxaana u geeriyoodey 51-qof, 17-kamida shaqaalaha caafimaadka ayuu sidoo kale xanuunkani asiibay sida ay sheegtay wasaarada Caafimaadka ee Congo.

Xanuunkan ayaa boqolaal qof ku diley sanadihii 2014-2015 bartmaha iyo galbeedka Qaaradda Afrika, aduunka ayaana si aada uga wallaacsan inuu mar kale kasoo laba-kacleeyo wadanka Congo oo horayna uga mid ahaa wadamadii uu saamaynta ku yeeshay.

PUNTLAND POST