Warbixin laga soo saaray Xaaladda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya iyo Talooyin lasoo jeediyay

Muqdisho (PP) ─ Khabiirka xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa warbixin dhinacyo badan kasoo saaray xaaladda xuquuqul aadanaha ee Soomaaliya, gaar ahaan xuquuqda hadalka iyo tan fikirka.

Warbixintan oo ka kooban 21-bog ayaa lagu sheegay horumar ay ku talaabsatay Soomaaliya inkasta oo ay haddana jiraan caqabado ay ka mid yihiin inaan dadka loo ogoleyn in ay si xor ah fikirkooda u dhiibtaan. Waxaana wrabixinta lagu xusay in xad-gudubyada ugu badan loo geysto dadka gudaha dalka ku barakacay.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa la sheegay inay si isku mid ah u geystaan dhibaatooyinka ugu badan, iyadoo la sheegay in dhibaatooyinka loo geysto dad ay ka mid yihiin kuwa ugu nugul bulshada, sida dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo carruurta.

“Inkastoo uu dalku ogolaaday soo jeedintii la sameeyey 2011-kii ee Qaybta ka ahayd in caalamku ay dib u eegis ku sameeyaan sidii loo qaadan lahaa sharci ciqaabta dilka ah mamnuucaya,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixintu waxay kaloo lagu sheegay in caqabadaha kale ay ka mid yihiin Xad-gudubyada xagga jinsiga oo weli sii socda, inkastoo ay jiraan ololeyaal lagu dhaqan galinayo warmurtiyeedkii ay sida wadajirka ah u soo saareen xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee mamnuucista xadgudubyada jinsiga oo loola jeedo xadgudubyada dumarka loo gaysto ee 07-dii May 2013-kii.

“Al-shabaab weli waa khatar weyn, inkastoo ay sii socdaan Dagaalka ay wadaan ciidanka amniga Soomaliya iyo hawlgalka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM,” ayaa lagu xusay warbixintan.

Sidoo kale, Waxay warabixintu soo qaadday Weerarkii 14-kii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho, kaaso ay boqolaal ruux ku naf-waayeen, waxayna intaa ku dartay in Al-shabaab ay bar-tilmaameedsadaan saraakiisha Dowladda Soomaaliya, ayna lacag baad ah ka Qaadaan shacbka ku nool deegaannada ay ka taiyaan.

“Somalia weli waxay ku jirtaa xilli kala guur iyo dhisme nabadeed ah. Waxaana soo maray dib u dhacyo siyaasadeed iyo kuwo dhaqan dhaqaale, kuwaasoo sraakiil sar-sare xilalka looga qaaday,” ayaa warbixintaan lagu xusay.

Dhanka kale, Warbixinta ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay caqabado aad u weyn kala kulantay go’aankeedii dhex-dhexaadnimo ee ay ka qaadatay khilaafkii dalalka Khaliijka, kaasoo dalka Qatar uu kala kulmay dhibaato aad u weyn oo dhanka xiriirka caalamka iyo cunnada isugu jirta.

Arrimaha Bani’aadamniada;

Warbixinta ayaa waxaa kaloo lagu soo qaaday arrimaha bani’aadminimada ee Somalia ka taagan, wuxuuna khabiirka madaxa-banaan hoosta khad ka mariyay inay sii kordheen dadka gudaha ku barakacay, isagoo amaanay u soo jeediyay jawaabta bani’aadminimo ee laga bixiyay dhibaatooyinkan.

“Iyadoo laga baaqsaday geeri, kaddib abaar dalka ka dhacday 2017-kii, taasoo ay kumanaan qof ku barakeceen gobollada Shabeellooyinka, Sababtayna in ay dad ugu dhintaan Muqdisho,” ayuu yiri Khabiirka.

Isagoo warbixintiisa ku xusay Talaabooyinka ay ciidanka AMISOM Qaadday , sida shaqaalaynta saraakiil u qaabilsan dhowrista xuquuqda aadanaha, kuwaasoo sare u qaadi kara u hogaansanaanta xuquuqda aadanaha iyo shuruucda caalamiga ah ee xagga abi’aadminimada.

Khabiirku wuxuu AMISOM ku Amaanay Talaabooyinka dheeraadka ah ee ay ka qaadday ciribtirka tacaddiyada xagga galmada iyo yareynta khasaaraha dadka rayidka soo gaara marka ay hawlgallo fulinayaan.

Wuxuu Khabiirku ku baaqay in si dhaqso leh loosoo Gaba-gabeeyo hanaanka dib-u-eegista Dastuurka, wuxuuna ka codsaday Dowladda dhexe ee Somalia iyo maamul-goboleedyada inay sare u qaadaan iskaashigooda, si la isaga kaashado dhawrista xuquuqda aadanaha Somalia.

Ugu aambeyn, khabiirku wuxuu warbixintiisa kusoo xiray talo soo jeedinno ku aaddan caqabadaha uu warbixinta ku sheegay, waxaana ka mid ah in beesha caalamku ay xaqiijiso in tirada AMISOM ee la yaraynayo lagu saleeyo jadwal iyo shuruud waaqici ah.

PUNTLAND POST