Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland waxaa maalintii labaad ka socdo shirka madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.
Shirkaan oo shalay furmay ayaa waxaa ka qeyb galaya dhamaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo ergeyga Qaramada Midoobay arimaha Soomaaliya.
Madaxda maamul goboleedyada oo khudbado shalay ka jeediyay shirka ayaa dhamaantood isku raacay in dowladu ay faragalin ku heyso.
Shirka maanta waxaa looga hadli doonaa xiriirka dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada, arimaha qeybsiga dhaqaalaha iyo ciidamada.
Shirkaasi ayaa waxaa qorshuhu uu yahay in la soo gaba gabeeyay maalinta Jimcaha ah ee soo socoto.
Shirkaasi ayaan waxaan ka qeyb galeeynin dowlada Soomaaliya oo iyadu sheeda sare kala socoto Shirka iyo waxyaabaha laga yaabo in ay ka soo baxaan.
Waxaa ku dhow dhamaadka xilalka madaxda maamul goboleedyada dalka kuwaasi oo hadda ugu jiro dadaal badan sidii markale dib loo dooran lahaa.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho