Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa hawlgal ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Marka ku soo qabtay dagaallamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka SONNA.
Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay in ka badan 32 dagaallamayaal iyo saraakiil la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo ku hawllanaa falal amni-darro ah,sida lagu daabacay Wakaaladda.
SONNA waxay sheegtay in dhammaan xubnaha lagu qabtay hawlgalkaasi ay qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab,islamarkaana qaarkood gacanta lagu dhigay iyagoo amniga khalkhal gelinaya.
Sidoo kale Wakaaladdu waxay sheegtay in xubnaha la soo qabtay uu ku jiray sarkaal lagu magacaabo Cabdicasiis Jamaal oo Al-shabaab u qaabilsanaa dilka qorshaysan ee lagu laayo shacabka degmada Marka.
Sarkaalkan ayaa qirtay in uu dad aan waxba galabsan ku laayay magaalada Marka ,sid ay daabacday SONNA.
PUNTLAND POST