Ciidamo la ruqseeyey oo gadood ka-sameeyey xarunta qaybta Booliska Gobalka Nugaal

Illaa 30-askari oo dhawaan laga ruqseeyey ciidamada Booliska Dawlada Puntland ayaa maanta gadood iyo shaqaaqo ka sameeyey qaybta Booliska Gobalka Nugaal ee magaalada Garowe, oo ku hortaal barxadda caanka ah ee caasimada Puntland.

Ciidankan oo ka cabanayey sifooyinka lagu ruqseeyey ayaa shaqaaqo mudo kooban socotey ka sameeyey xarunta qaybta iyo saldhiga dhexe ee Garowe oo isku meel ku yaala, waxayna wararka soo gaaraaya PUNTLAND POST sheegayaan inay shaqaaqadaas ku dhaawacmeen dhawr qof oo rayida iyo saraakiil katirsan ciidanka Booliska.

Isla markiiba waxaa hawsha soo galay maamulka degmada Garowe, kan Gobalka Nugaal iyo qaar kamida wax-garadka magaalada, waxayna iminka ku hawlan yihiin sidii xal looga gaari lahaa arintan shaqaaqada dhalisay.

Lama oga kamana aysan hadlin saraakiisha Booliska Puntland waxa lagu ruqseeyey askartan horay uga tirsanaa ciidamada Booliska Dawlada Puntland qaybtooda Gobalka Nugaal.

PUNTLAND POST