Cabdisalaan Bashiir oo iska casiley Wasiir ku-xigeenka Maaliyada si uu ugu tartmo duqa Bosaso

Maanta waxaa lagu dhaariyey magaalada Bosaaso ee xarunta Gobalka Bari xubnaha kamid noqday gollaha deegaanka magaalada Bosaaso, waxaana goobtaas xilkii wasiir ku-xigeenka Wasaaradda maaliyada Puntland isaga casiley duqii kumeel gaarka ahaa ee magaaladda Bosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo kamida musharixiinta u taagan qabashada duqa magaalada Bosaaso.

Qodob dastuuri ah ayaan u ogolaanayn Cabdisalaan Bashiir inuu kamid noqdo gollaha deegaanka isagoo haya xil kale oo heer dawladeed ah, waana tan keentay inuu iska casilo xilkii uu hayey ee Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda.

Magaaladda Bosaaso waxaa si weyn looga dareemayaa ololaha loogu jiro doorashada duqa magaalada Bosaaso oo ah isha dhaqaale ee Puntland oo lagu wado inay magaaladaas ka qabsoonto maalinta Berri ah, waxaana  xilkaas ku tartami doona illaa labba musharax.

Madaxweynaha Puntland ayaa horaantii sanadkan u magacaabay Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan inuu noqdo duqa kumeel gaarka ah ee magaaladda Bosaaso kala diristii gollihii deEgaanka ee Bosaaso, kadib wuxuuna horay u ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Puntland.

PUNTLAND POST