Booliska Nugaal oo ka hadlay weerar lagu qaaday xaruntooda

Booliska gobolka Nugaal ayaa ka hadlay ciidamo la ruqseeyay oo saaka weeraray xarunta qeybta Booliska, kaas oo uu ka dhashay khasaare isu jira dhaawac iyo burbur hanti.

Taliyaha Booliska qeybta gobolka Nugaal Faarax Warsame Galan-gooli oo warbaahinta la hadlay dhacdadaas kadib ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarka lagu soo qaaday xarunta qeybta Booliska Nugaal ee Garowe.

Taliye Galan-gooli ayaa sheegay in ay soo weerareen askar ka tirsanaan jirtay Booliska Nugaal oo horey looga ruqseeyay, kuwaas oo uu sheegay in ay shaqadoodii gudan waayeen, wuxuuna tiradooda ku sheegay 34 asakri.

Weerarkan waxaa ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan qeybta Booliska Nugaal oo mid kamid ah yahay sarkaal, sidoo kale khasaare burbur ayaa soo gaaray xarunta Booliska.

Hoos ka daawo Taliyaha Booliska qeybta gobolka Nugaal oo ka hadlay arimahaas

Cabdiqani Boos 

Puntland PostÂ