Al-shabaab ayaa baahisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyay xarunta Degmadda Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir maalintii axada ahayd.
Sida laga baahiyay warbaahinta shabaab, waxaa weerarka fuliyay C/qaadir Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku magac dheer Malaaq ama Layaali, kaasi oo ku dhashay deegaanka Daaru-Salaam ee hoostaga degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Al-Shabaab ayaa sheegay in ninkaan uu ka dhashay Beesha Liisaan ee Raxanweyn oo dagta gobolada Bay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.
Ninkaan ayaa dhawaan ku biiray guutooyinka Al-shabaab ay u diyaariyeen qaraxyadda laga fuliyo magaaladda Muqdisho, wuxuuna horey ugu tirsanaaa shabaab-ka ku sugan Gobolka Mudug ee koonfurta dalka Soomaaliya.
“Waxaan qoyskayga iyo dhamaan asxaabtayda aaan ku wargaliyay in aan isku qarxin doono xarunta degmada Howl-wadaag, oo ay ku suganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaiya’, ayuu yiri C/qaadir Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku magac dheer Malaaq.
Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday xarunta degmadda Howl-wadaag ayaa waxaa ku dhintay shan ruux oo seddex kamid ah ay ahaayeen ciidamo, iyo dhaawaca 12-ruux oo ay mas’uuliyiin ku jirto iyo caruur dhiganaysay dugsi qur’aan.
PUNTLAND POST