Kooxo abaabulan oo boob ku haya dhulka danta guud ee magaalada Garowe

Kooxo abaabulan ayaa asbuucyadii u danbeeyey magaalada Garowe ee caasimada Puntland ka bilaabay inay boobaan dhulka danta guud ee magaalada Garowe, waxayna kooxahan oo hubaysan si isdaba jooga ugu habsanayaan dhul ay leedahay Dawlada hoose ee magaalada Garowe iyo weliba dhul loogu tala galay danaha guud sida wadooyin iyo arimo kale oo muhiima.

Dhulka ay kooxahani ku habsadeen waxaa kamida dhul weyn oo ay Dawlada hoose ee Garowe ku leedahay xaafadda Israac, dhul loogu talagalay in laga sameeyo aargo ama Barxad oo ku yaal agagaarka shirkadda korontada ee NECSOM iyo weliba dhul kale oo loo qorsheeyey arimaha bulshada.

Mar xaladan oo kusoo beegantay xili magaalada loo doortay duq cusub ayaa la sheegayaa in kooxaha dhul boobka wada ay ku hubaysan yihiin qoryo, qaarkoodna waxaa la tilmaamayaa inay kamid yihiin Ciidamada Dawlada.

Sida loo xaqiijiyey Warbaahinta PUNTLAND POST duqa cusub ee Garowe Axmed Barre Muuse ayaa dadaal ugu jira sidii kooxahan looga xakamayn lahaa dhul boobka ay ka bilaabeen caasimada, wuxuuna duqu kulamo la qaatay isimada iyo odayaasha magaalada isagoo kala hadlay sidii arimahan wax looga qaban lahaa.

Lama oga cidda soo abaabushay dhalinyaradan boobaysa dhulka danta guud, waxayse qaar kamida dadka ay arimahan kala sheekaysatay PUNTLAND POST tuhmaayaan inay ku lug leeyihiin masuuliyiin katirsan laamaha Dawlada wallow aysan jirin cid si dhaba u xaqiijin karta.

PUNTLAND POST