Cabdullaahi Gafoow Maxamuud Taliyihii hore ee NISA ahaana Taliyihii laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa ku guuleystay doorashada kursi kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu qabtay Dhuusamareeb.
Kursigaan waxaa horay isaga casilay walaalkii Cabdiqaadir Gaafoow Maxamuud 19-kii Bishii hore ee sanadkaan.
General Gaafoow ayaa helay 43-cod halka Musharax Muxudiin oo la tartamayayna uu helay 7 cod oo kale ah.
Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Yarey ayaa ku dhawaaqday Natiijada doorashadii maanta.
Madasha doorashada maanta ka dhacday waxaa ku sugnaa xubno isu jira siyaasiyiin, Xildhibaano iyo masuuliyiin Galmudug
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post
You must be logged in to post a comment.