Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gal-Mudug ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah ay ka dhacdo doorashada kursi kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kursigaan waxaa iska casilay C/qaadir Gaafow Maxamuud oo 19-kii Bishii hore ee Agusto sheegay in uu ka tanaasulay kamid noqoshada Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa diyaar ku ah Xubnihii dooran Lahaa xubintaasi kamid noqon doonto Baarlamaanka Soomaaliya oo doorashadeeda ay ka dhaceeyso Dhuusamareeb.
Waxaa Sidoo kale Dhuusamareeb Shalay galinkii dambe gaaray C/laahi Gaafow Maxamuud oo ahaa Taliyihii hore ee NISA ahaana Taliyihii hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo isagu doonayo in uu ku guuleeysto xilka uu baneeyay walaalkiis.
Waxaa sidoo kale Magaalada ku sugan gudoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Xaliimo yareey oo goobjoog ka noqoneeyso qaabka ay doorashadaasi u dhaceeyso.
Dhowaan sidoo kale Kismaayo iyo Baydhabo waxaa ka dhici doono doorashooyinka kuraas ka dhiman Baarlamaanka Soomaaliya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho