Akhriso: Liiska Golaha deegaanka degmada Bosaso

Guddiga loo xilsaaray dhisida Golaha deegaanka degmada Boosaaso ayaa maanta soo saaray liiska xildhibaanada cusub oo ka kooban 31 xubnood.

Liiska la sooray waxaa ka soo muuqday duqii ku meel gaarka ahaa ee degmada Boosaaso ahna Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo ah musharax u taagan duqa iyo musharaxa kale ee Maxamed Faarax Xaaji Mire.

Liiska waxaa soo dugbiyay Guddiga ansixinta Golaha deegaanka Degmada Boosaaso, waxaana ku saxiixnaa Guddoomiyaha wecyigelinta iyo dhismaha golayaasha deegaanada ahna Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade).

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas ayaa 1-dii bshii Maarso ee sanadkan kala diray Golihii deegaanka degmada Boosaaso, oo lagu eedeeyay inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is-qabqabsi.

Waxaana isla maalintaas uu Madaxweyne Gaas magacaabay maamul ku meel gaar ah oo Guddoomiye looga dhigay Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, tan iyo xiligaas ma lahayn Boosaaso Gole deegaan.

Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale la dhisay Golihii deegaanka degmada Garowe loona doortay duq cusub oo xilkii maanta la wareegay.

Hoos ka akhriso Xildhibaanada cusub ee degmada Boosaaso

PUNTLAND POST