Musharixiinta Madaxtinimada Puntlland 2019 waxay ka kooban yihiin sadex qaybood!

Shantii sanoba mar ayey qabsoontaa doorashadda Baarlamaanka iyo madaxtinimada Puntland oo ay siweyn ugu loolamaan dad kala duwan oo rag iyo dumarba leh raguba ha u bateene.

Odayaasha dhaqanka Puntland ayaa sida caadiga ah soo xulla 66-mudane oo noqda aqalka wakiiladda, waxayna xubnahaasi doortaan marka la gaaro sideeda Janaayo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa, inkastoo doorashadda Puntland tahay mid aad u xiisa badan marka loo eego sida ay dadweynuhu u danaynayaan hadana marna degaanadan kama suura gelin inay dadweynuhu si toosa usoo doortaan madaxda hogaaminaysa ha ahaadeen heer baarlamaan iyo heer Madaxweyne sida ka dhacda deriska Somaliland.

Maadama aysan Puntland ka jirin xisbiyo kala duwan oo xukunka ku loolama dhamaan murashixiinta u tartamaaya madaxtinimada waa kuwo ka madax banaan xisbi wallow qaarkood ay dhabarka ka riixaan ururo ka macaasha siyaasadda iyo Dawladnimada Dalka.

Sanadkan dabayaaqada ee 2018, waxaa degaanada Puntland si aada looga diyaar garoobayaa doorashadda waxaana si aada looga dheehan karaa guud ahaan magaalooyinka Puntland rucla orodka loogu jiro kamid noqoshada aqalka wakiilada oo loo arko xubno muhiima oo iyagu gooya cidda noqonaysa hogaanka Puntland, Doorashadii Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa oo ay ka harsan tahay muddo dhan afar billood ayaa sidoo kale siweyn loo hadal hayaa, waxaana maaliba maalinta ka danbaysa soo badanaaya musharixiinta ku dhawaaqaaya inay u ordi doonaan hogaaminta Puntland.

Hadaba Kumay dhab ka tahay, Kumayse dhab ka ahayn musharxnimadu?

Sida aan Ciwaanka koreba kusoo sheegnay sidii horayba loo bartay sanadkan 2019, waxaa ku dhawaaqay inay u tartami doonaan kursiga looga taliyo Puntland musharixiin ka kooban sadex qaybood oo kala ah:-

Ana waa ikan: Waa inta ugu badan musharixiinta waa rag aysan daacad ka ahayn musharaxnimada ay ku dhawaaqeen, waana og yihiin dadweynuhuna waa og-yihiin in aan loo dooran doonin Madaxtinimada Puntland, waxayse ka tahay anaguna masraxa waan joognaa, badanaaba ragani ma galaan hoolka doorashadu ka dhacayso, waxayna badankood ku dhawaaqaan inay tanaasuuleen maalmaha ugu danbeeya ololaha doorashada.

Mushrax ku lamaan musharax kale: Si lamida kan aan kor kusoo sheegnay waa rag aysan iyagu daacad ka ahayn inay hellaan kursigan, waxayse daacad u yihiin musharixiin kale, tiro ahaan ma yara, ujeedadooduna waa inay baritaaraan musharax kale oo ay ka go’an tahay inuu si dhaba u tartamo guul iyo guul-daraba inta badan ragani waxay ka quudraynayaan hadii musharaxa uu baaritaarka u yahay guulaysto inay ka hellaan xilal iyo shaqooyin muhiima. Musharixiintani waxay isugu jiraan qaar hoolka doorashada gala inta badana wax coda mahelaan ama waxay hellaan codad aan labbo iyo hal ka badnayn, halka qaarkood ay maalmaha u danbeeya doorashadda shaaciyaan inay u tanaasuleen musharax hebel.

Musharax ay daacad ka tahay tartanku:- Mushraxiintani waa tiradda ugu yar, waana rag ay hadaba magacyadooda kuu sheegayaan dadka sida aadka ugu dhuun daloola doorashada iyo siyaasada Puntland, tiro ahaan kama badna toban waana musharixiin diyaar u ah inay si dhaba u tartamaan guul iyo guul-daraba, musharixiintan si aada ayaa xiliyadan looga dareemayaa degaanada Puntland ololahooda, waxayna leeyihiin taageerayaal fara badan.

Isku soo wada duubo waxaa la rajeynayaa in doorashada inagu soo aadan ee Puntland ay noqon doono mid ka xiisa badan kuwii ka horeeyey.

 PUNTLAND POST