Kismaayo oo uu maanta ka furmayo Shirka Madaxda M/goboleedyada

Kismaayo[Puntland Post] Sida uu qorshaha yahay maanta ayaa lagu wadaa in uu magaalada Kismaayo ka furmo shir ay yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo ah mid xasaasi ah.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa ku wada sugan magaalada Kismaayo, kadib markii shalay uu halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha martida loo yahay ee Jubbaland.

Gelinka hore ee maanta sidoo kale waxaa la filayaa in uu magaalada Kismaayo soo gaaro Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay uu baaqday safarkooda.

Shirkan ayaa waxaa horey u iclaamiyay Gudoomiyaha Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ahna Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Shirkan ayaa looga hadlayaa qeybsiga kheyraadka, xaalada guud ee dalka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u kala gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si wayn loo adkeeyay, iyada oo ciidan badan laga soo saaray xerooyinkooda, kuwaasi oo ku sugan wadooyinka magaalada iyo xarunta uu shirka ka dhacayo.

Shirkan ayaa wuxuu noqonayaa shrikii saddexaad oo ay isugu yimaadaan madaxda dowlad goboleedyada, sidoo kale waa kii labaad oo madaxdan ay yeeshaan magaalada Kismaayo.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post