Dr. C/raxmaan Baadiyow oo Xil sare looga magacaabay Xukuumadda R/wasaare Khayre


Muqdisho (PP) ─
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa loogu magacaabay Dr. C/raxmaan C/llaahi Macallin [Baadiyow] La-taliyaha Ra’iisul Wsaaraha ee Arrimaha Nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa wareegtadiisa ku sheegay inuu tix-galiyay baahida loo qabo in la magacaabo la-taliye sare oo khibrad u leh arrimaha nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta, markuu arkay Qodobbada Dastuurka ee kala ah qodobka 99-aad (A) (D) iyo Qodobka 100-aad (A) (D).

Sidoo kale, Wareegtada waxaa lagu sheegay in magacaabista Baadiyoow uu arkay taariikh nololeedka (CV), kartida, aqoonta iyo waayo-aragnimada Dr. Baadiyow, wuxuu u magacaabay la-taliyaha sare Ra’iisul Wasaaraha DF ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib-u-heshiisiinta.

Ugu dambeyn, Dr Baadiyoow oo horay uu soo tartamay xilka madaxweynaha Somalia sannadkii 2017-kii ayaa ka mid ah Aqoon-yahanada Soomaaliyeed ee doorka weyn kasoo qaatay dib u heshiisiinta, horumarinta waxbarashada iyo bulshada intii dalka uu ku jiray burburka.

Haddaba, AKHRISO wareegtada Magacaabidda Dr. C/raxmaan Baadiyoow;

PUNTLAND POST