Qarax aad u culus oo Goor-dhaw ka dhacay Degmada Hawl-wadaag ee Gobolka Banaadir

Muqdisho (PP) ─ Qarax jugtiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka Muqdisho, ayaa goor-dhaw ka dhacay degmada Hawlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxa kaddib ay billaabatay rasaas xooggan.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan lagu weeraray xarunta degmada Hawl-wadaag, lamana oga khasaaraha ka dhashay Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gobjoogayaal ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in goobta ay soo buuxiyeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ayna haatan socoto rasaas culus oo ay inteeda badan ridayaan ciidamada Dowladda Somalia.

Maamulka Degmada Hawl-wadaag ayaan ka hadlin qaraxan iyo khasaaraha uu geystay, waxaana uu kusoo beegmayaa xilli maalmihii u dambeeyay ay xasilloonayd Muqdisho.

Sidoo kale, warrka ayaa waxay sheegayaan in qaraxa uu saameyn xoog leh ku yeeshay dugsi Qu’aan ay dhiganayeen caruur yaryar iyo guryo ay deggen yihiin dad shacab ah oo ku dhaw degmada oo ku taalla meel ku dhaw isgoyska Hawl-wadaag ee gala suuqa Bakaaraha.

Dhanka kale, Waxaa goobtaas gaaray gaadiidka gurmadka deg-degga ah oo ka qaadaya dhaawacyo ka dhashay qarxan, iyadoo waddadu ay xiran tahay xaalad aad u kacsanna ay ka jirto halkaas.

Ugu dambeyn, Qaraxan aanay jirin cid sheegatay, waxaa wararka kasoo kordha kula socon doontaan wararka soo socda ee Puntland Post.

PUNTLAND POST