Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u ambabaxay magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka Jubbaland oo beri ka furmi doono shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya.
Cabdiwali Gaas Madaxweynaha Puntland oo ah Guddoomiyaha golahaas ayaa 19 bishii hore ee August shaaciyay shirka Kismaayo, isagoo sheegay in looga tashan doono danaha dowlad goboleedyada iyo guud ahaan kuwa qaranka Soomaaliya.
Dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkan iyo bilowga sanadka dambe waxaa ku soo aadan doorashooyin madaxtinimo, iyadoo warar ay heshay PUNTLAND POST sheegayaan in shirka Kismaayo looga hadli doono arrimahaas.
Madaxda dowlad goboleedyada ee ku bahoobay golaha iskaashiga ayaa doonaya in doorashada madaxtinimada dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah la qabto dhamaadka sanadka 2020.
Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa maanta ka degi doona magaalada Kismaayo, waana shirkii labaad oo golahaasi ay ku yeeshaan halkaas, mudadii ay jireen.
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa safarka Kismaayo ku wehelinaya qaar kamid ah golayaasha dowladda iyo saraakiil madaxtooyada ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.