Madaxda Maamul-goboleedyada Qaarkood oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo

Kismaayo (PP) ─ Waxaa magaalada Kismaayo maanta gaaray saddex ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada dalka, iyadoo garoonka diyaaradaha Kismaayo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin kala duwan oo uu hor-kacayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Madaxweynayaasha Maaalada Kismaayo gaaray maanta ayaa waxay kala yihiin, Madaxweynaha Dowladda Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas], Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] iyo madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare.

Shir jaraa’id oo ay qabtene madaxdan ayaa waxay ku sheegeen inay ku faraxsan yihiin imaanshahooda Kismaayo, isla markaana ay rajeynayaan in shirkooda ay kasoo bixi doonaan qodobbo dan u ah bulshada Soomaaliyeed oo dhan.

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuu berri imaan doono Kismaayo madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la filayay inuu maanta yimaado, balse ay sheegeen in arrimo kale uu u baaqday.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo isagana warbaahinta hadal kooban siiyay ayaa sheegay in madaxda maamullada dalka ka jira ay kaga qayb-geli doonaan magaalada Kismaayo shirka golaha iskaashiga maamul-goboleedyada, kaasoo saddexdii biloodba mar la qabto.

Sidoo kale, Shirkaan ayaan la sheegin qodobbada looga hadli doono, balse shirarkii midkan ka horreeyay ayay madaxda golahan kaga hadleen xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo iskaashiga kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Golaha Iskaashiga maamul-goboleedyada dalka ayaa waxay inta badan ku dhaliilaan kulammadooda Dowladda Dhexe ee dalka, iyadoo la filayo in shirkan ay kasoo baxaan qodobbo xasaasi ah.

PUNTLAND POST