Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta.
Shirka maanta oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dood iyo falanqayn kadib waxa ay wasiirradu cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen xeerkan oo dawladda u oggolaanaya in xayirto lacagaha la xaqiijiyo in waddo qaldan ay ku socdeen ama hab sharci darro ah loo isticmaalayay.
Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa sheegay in xeerkan, oo qayb wayn ka qaadanayaa sugidda amniga, qorshaha ilaalinta hantida dadwaynaha iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, loo gudbinayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meel mariyaan kadibna uu u noqdo sharci rasmi ah.
Dhinaca kale
Golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa shir ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen sharciga taya-dhawrka iyo hannaanka caddaallada iyo asluubta oo ay soo gudbiyeen wasaaradaha ganacsiga iyo caddaaladda.
Ugu horrayn, kulanka maanta oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu meel mariyay sharciga taya-dhawrka oo lagu hubinayo badeecadaha dalka loo soo dhoofinayo, laguna tayaynayo badeecadaha dibadda loo iib-geynayo si loo dhawro xeerka tayada badeecadaha caalamiga ah ee adduunku wada aqoonsanyahay.
Wasiiru dawlaha xafiiska ra’iisul rasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa sheegay in kulankii maanta ay yeesheen golaha wasiirrada XFS lagu meel mariyay hannaanka caddaaladda iyo asluubta kaas oo caddaynaya nuuca caddaaladda Soomaaliya ay yeelanayso si loo hagaajiyo hannaanka caddaaladda dalka.
Sharciga taya-dhawrka ayaa loo gudbinayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meel mariyaan iyada oo hannaanka caddaaladda iyo asluubta la hor gaynayo golaha amniga qaranka si ay uga doodaan kadibna u saxiixaan si mawaadin kasta oo Soomaaliyeed uu u helo hannaan caddaaladeed loo simanyahay.
Dhinaca kale
Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo guddoomiyay kulan ay golaha wasiirradu ku yeesheen Muqdisho ayaa ku amray wasaaradda amniga gudaha iyo wasaaradaha kale ee ay khusayso in ay soo diyaariyaan siyaasad lagu xakamaynayo qaxootiga dalka soo gelaya ee ka imaanaya dalalka ay dagaalladu ka holcayaan.
Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo shirka golaha wasiirrada ka qayb galay ayaa ka war-bixiyay hannaanka dib-u-eegista sharciyada socdaalka iyo dal-ku-galka, ajaanibta iyo qaxootiga dalka soo geliya iyo kuwa horay u joogay iyo saamaynta qalalaasaha wadamada deriska ay ku leeyihiin qul-qulka qaxootiga dalka soo gelaya.
Kadib xogta uu taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadahu siiyay golaha ayaa ra’iisul wasaare Khayre waxa uu faray dhinacyada ay khusayso in siyaasaddaa xakamaynta qoxootiga ay noqoto mid maamuus gaar siinaysa qaxootiga ka imaanaya waddamada soo dhaweeyay mawaadiniinta Soomaaliyeed xilligii ay dalalkooda ku qaxeen.
Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa dhagaystay warbixin ay soo gudbisay wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska iyo guryaynta oo khusaysay sidii siyaasad looga yeelan lahaa dhismaha xarumaha dawladda, waxaana ugu dambayn golohu isku raacay in wasaaradu ay mas’uul tahay bixinta qandaraasyada lagu dhisayo xarumaha iyo xafiisyada dawladda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.