Golaha Baarlamaanka DDS oo maanta u balansan ansixinta golaha Wasiiradda cusub,

Jigjiga-[Puntland Post]-Mudanayaasha golaha baarlamaanka ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta meelmarinaya xubnaha golaha fulinta oo uu xalay soo magacaabay Madaxweynaha cusub Mustafa Maxamed Cumar, waxaana dhamaantood ay yihiin kuwa gudaha dalka laga keenay oo laga saaray Qurbo-joog la saadaalinayey saacadihii u dambeeyey.

Guddiga Fulinta ayaa shaqada la wareegaya, waxayna kala wareegayaan xubnihii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar oo qaarkood ay hadda xabsi ku jiraan, waxaana la filayaa in la siiyo codka kalsoonida ee golahan cusub.

Caqabado badan ayaa horyaala golaha cusub, oo ay ku jiraan in hay’addihii dawladda oo aan shaqeynin mudo dheer ka dib ay tahay in ay howlgaliyaan isla markaasna ay bixiyaan xaquuqda Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post