Faahfaahin Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta maamulka Degmada howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Gaari nooca loo yaqaano Prado ayaa gudaha u galay xarunta Degmada Howlwadaag ee  Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir oo goordhow wariyaasha kula hadlay halka qaraxa uu ka dhacay ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxaasi iyo qaabka uu u dhacay.

Afhayeenka ayaa sheegay in 3 Askari ay ku dhinteen weerarkaasi dad ku dhow 20 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka qaraxaasi ku dhaawacmay waxaa kamid ah Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee degmadaasi.

Sidoo kale dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jiray caruur ku jirtay Dugsi qur’aan ku dhow xarunta Degmada Howlwadaag oo uu qaraxa ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxaasi iyaga oo sheegay in ay ku dileen masuuliyiin Dowlada katirsan iyo Askar.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho