Markaykan oo joojiyey caawimaadii Hay’adda Qaramada Midoobey ee qaxootiga Falastiin

Masuuliyiinta Falastiin ayaa si adag u cambaareeyey go’aanka uu Maraykanku ku joojiyey caawimaadii uu siin jirey Hay’adda qaramada Midoobey ee caawisa qaxootiga reer Falastiin ee Bariga dhexe, waxayna ku tilmaameen cadaawad aad u xun oo loo muujiyey shacabka baahan ee Faslastiiniyiinta.

Hadalka masuuliyiinta Falastiiniyiinta ayaa yimi kadib markii Dawlada Maraykanku maalinkii shalay ee jimcaha ahayd si rasmiya u shaacisay inay joojinayso dhaqaalihii ay ku bixin jirtey hay’adda Qaramada midoobey ee caawisa qaxootiga Falastiin taas oo magaceeda loo soo gaabiyo-UNRWA-

Maamulka Trump oo ah saaxiib weyn oo ay Israiil leedahay ayaa si aada uga carooday sida ay masuuliyiinta reer Falastiin uga falceliyeen go’aankoodii ahaa in safaarada Maraykanka ee Israiil loo raro magaalada barakaysan ee ay Yuhuudu ka haysato Falastiin ee lagu magacaabo Qudus.

Arintan ayaa sidoo kale kusoo aadaysa asbuuc kadib markii isla Maraykanku shaaciyey inay jaraayaan 200 oo milyan oo Doolar oo ahaa gar-gaar dhaqaale oo ay ku taageeri lahaayeen Falastiiniyiinta.

Hay’adda caawisa Qaxootiga reer Falastiin waxay Qaramada midoobey asaastay 1949, kadib markii 700,000 oo falastiiniyiina si qasaba ay uga barakaceen guryahoodii xiligaas oo u socdey dhismaha Maamulka Israaiil, Waxayna hada caawisaa illaa shan malyan oo Falastiniyiin ah oo ku nool daanta galbeed, marinka Qasa iyo sidoo kale Jordan, Lubnaan iyo Suuriya.

Dabayaaqadii Bishii June ayey Qaramada midoobey weydisatay Dawladaha xubnaha ka ah inay buuxiyaan caawimaadii muhiimka ahayd ee uu jaray Maraykanku.

PUNTLAND POST