Gen Cabdalla Cabadalla Oo Ciidamadda NISA Laga Saaray

Muqdisho-[Puntland Post]Warka soo baxay Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in Gen,Cabdalla Cabdalla Maxamed oo mar soo noqday Taliye ku xigeenka Hay’addaas laga saaray xubinimadii NISA.

Waxaa lagu eedeeyey in Wareysi uu bixiyey uu ku xadgudbay Shaqada NISA,isla markaana uu sheegay Warar ka hor imaanaya hanaanka Shaqo iyo Danaha Qaran,isla markaana guddi baaritaano oo loo sameeyey kadib la isla gartay in uusan kasii mid ahaan NISA.

Dhawaan ayaa Wareysi uu siiyey Idaacadda Voa-da waxa uu eedeyn ugu jeediyey Madaxda NISA,isla markaana uu dhaliilay sida ay Hayadda NISA u Shaqeyso.
Cabdiqani Boos 
Puntland Post