Fanaanka siyaasiga ee reer Uganda Bobi wine oo caafimaad u aadey Dalka dibadiisa

Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujiyey fanaanka noqday siyaasiga saamaynta badan Bobi wine oo ka baxaaya garoonka diyaaradaha ee lagu magacaaboo Entebe Dalka Uganda kadib markii ay shalay Dawladu ka hor istaagtey inuu wadanka ka baxo si uu caafimaad uga raadsado Dalka dibadiisa.

Muuqaalkan oo soconaayey 23-ilbiriqsi ayaa muujinaaya Bobi wine oo ku soconaaya gawaarida curyaamada oo u socda halka ay ka ka baxaan dadka garoonka ka dhoofaaya.

Ururka udooda xaquuqda aadamaha Uganda ayaa sidoo kale xaqiijey in Bobi wine uu ka baxay Dalka dibadiisa si loogu soo daaweeyo meel ka baxsan Wadanka.

Fiidnimadii khamiista ayaa loo diidey Bobi wine inuu ka dhoofo garoonka Entebi iyadoo loo cuskaday inay hor istaageyso damiinka lagu siidaayey.

Siyaasigan ayaa si adag loo jirdiley kahor inta aan xabsiga loo taxaabin dhamaadkii bishii hore,  Xaaskiisa ayaa sheegtay in shalay mar kale la jirdiley markii laga celiyey garoonka diyaaradaha.

Mudaharaadyo waaweyn ayaa mar kale ka bilowday magaalada Kampala, markii la joojiyey socdaalka Bobi wine waxaana arinta xildhibaankan si adag uga hadlay hogaamiyaha mucaaradka Uganda Kizza Besigye.

Bobi Wine waa fanaan hore, wuxuu kamid noqday Baarlamaanka Uganda, wuxuuna noqday siyaasi mucaarada oo laf dhuun gashay ku noqday Madaxweynaha mudada dheer Yuweri Museveni.

PUNTLAND POST