Rasaas Culus ayaa goordhaweyd laga Maqlay agagaarka Saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir.
Maleeshiyaad Hubeysan ayaa Goor-dhaweyd weerar ku qaaday Saldhigay Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Hiilwaa ee Gobalka Banaadir gaar ahaan Xaafada Suuqa Xoolaha.
Goobjoogayaal ku sugan Xaafada Suuqa Xoolaha ayaa PuntlandPost uxaqiijiyey inay Maqleen Rasaas Culus oo ay isweydaarsanayaan Ciidamada amaanka iyo Maleeshiyaad Hubeysan oo soo weerar Ciidamada.
Ilaa hada lama oga Qasaaraha ka dhashay Iska hor imaadka ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana la ogeyn halka ay aadeen Maleeshiyaadii weerarka ku sooqaaday Ciidamada Dowladda.
Xasan Mohamed Samatar Cowke