Ciidamada Booliska Soomaaliya Oo Soo Bandhigay Rag Carruur Afduubtay

Muqdisho-[Puntland Post]-Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gacanta waxa ay ku dhigeen laba nin oo afduubtay ilmo yar oo Afar jir ah, sida uu Saxaafadda u sheegay Maanta oo Sabti ah afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble.

Afhayeenka ayaa Magacyadda Raggaas ku sheegay Xasan Yaasiin Cabdi Iyo Mahdi Tahliil Maxamuud,waxaa uuna Intaas ku daray in labada nin lagu xiray Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee CID-da si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Dhacdadaan afduubka Carruurta ayaa ka mid ah dhacdooyinka Cusub ee ka dhaca Magaalda Muqdisho,welina lama oga waxa raggaas ku qasbay Afduubashada Carruurta.

Cabdiqani Boos 

Puntland PostÂ