Ra’isilwasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay hooygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa soo dhoweeyn balaaran loogu sameeyay Muqdisho.
Xasan Sheekh iyo Xasan Cali Kheyre ayaa ka wada hadlay hanaanka dowlada Soomaaliya ay hadda ku shaqeeyso.
Ra’isilwasaare Kheyre ayaa Xasan Sheekh u sharaxay hormarka dowlada Soomaaliya ay gaartay.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warar aan helnay ay sheegayaan in maalmaha soo socdo uu ku dhawaaqi doono xisbi siyaasadeed.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
You must be logged in to post a comment.