Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose oo Muqdisho dhanka koofur kaga jirta 30-KM.
Dadka deegaankaasi oo la hadlay Warqabadka Warbaahinta Puntland Post ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegaan in dagaal culus xalay saqdii dhexe halkaasi uu ka dhacay.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa 3 Jiho ka soo weerartay degmadaasi Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.
ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi xalay ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.
Maamulka Koonfur Galbeed ee gacanta ku haya degmadaasi wali kama hadlin dagaalkaasi iyo qasaaraha uu geeystay.
Al-Shabaab ayaa dagaalo soo noqnoqday waxa ay ku qaadaan Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho