Xasan Shiikh oo sheegay in uu Mudisho u yimi xog ogaalnimo

Xasan Shiikh iyo Cabdiraxmaan Odawaa

Xasan Shiikh Maxamuud Madaxweynihii hore Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Soo dhaweynta Xasan Shiikh waxaa ka qeyb qaatay guddi ay dowladdu u xil saartay soo dhaweyntiisa oo uu hogaaminayay Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle).

Xasan Sheekh oo warbaahinta la hadlay ayaa marka hore u mahadceliyay dhammaan dadka ka qeyb qaatay soo dhaweyntiisa, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalka dib ugu soo laabto mudo 18 billood ah oo uu ku maqnaa dalka Turkiga.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh wuxuu ka hadlay sababta ugu weyn ee uu u yimid Muqdisho inay tahay inuu xog ogaal u noqdo dalka, islamarkaana uu ogaado xaalada siyaasadeed, dhaqaale iyo dhan walba ee dalka uu marayo.

Xasan Shiikh ayaa Muqdisho ku leh xulufo xoogan oo ay isku siyaasad yihiin, mucaaradna ku ah dowlada uu hogaamniyo Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna tan iyo doorashadii 2016 looga guuleystay ku maqnaa dalka Turkiga.

PUNTLAND POST