Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Sharaxay Qorshaha DF ee Dayactirka Muqdisho Stadium

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa ballan qaaday in garoonka ciyaaraha Muqdisho lagu dhisayo barnaamijka Is-xilqaan oo ay xukuumaddu ugu tala gashay dardar-gelinta dib-u-dhiska dalka iyada oo ay shacabku ka qayb qaadanayaan.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo maanta ka qeyb-qaadanayay ololaha nadaafadda Khamiislaha ah ee is-xilqaan oo lagu nadiifinayay garoonka ciyaaraha Muqdisho ayaa sheegay in barnaamijkan lagu dhisi doono xarumaha dowladda ee burbursan iyo waddooyinka iyada oo laga billaabayo garoonka ciyaaraha Muqdisho, xarunta xisbiga, golaha Mudritida iyo madadaadala iyo maktabadda Qaranka.

“Haddii aad sugaysaan in uu idiin yimaado ajnabi, idiin dhiso garoonkaan waa in aad iska ilaawdaan, waa in aad is abaabushaan, xaaqataan, dhissataan garoonkiinna si uu u shaqeeyo”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayr oo kula hadlayay dadwayne Soomaaliyedd oo isugu yimid gudaha garoonka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia, ayaa horay u ballan qaaday in sannadkaan gudihiisa garoonka dib loogu soo celinayo gacanta dawladda, waxaana Ciidanka AMISOM ay banneeyeen garoonka iyaga oo fulinaya amarka madaxda Qaranka.

PUNTLAND POST