Maxaa looga hadlay shirkii golaha Wasiiradda Puntland?

Shirkii golaha wasiiradda Puntland

Shirkii khamiis laha golaha Wasiiradda Puntland oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Gaas ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah.

War-murtiyeed ka soo baxay shirkaas ayaa lagu sheegay in looga hadlay amniga Puntland, xeerka waddo marista iyo warbixin laga dhageystay mid kamid ah Wasaaradaha.

Amniga Puntland ayaa war-murtiyeedka lagu sheegay in uu yahay mid leysku hakeyn karo, ayna socdaan howl-galo baaxad leh.

Shir walba oo khamiisle ah ayay Puntland ku sheegtaa in amnigu yahay mid leysku haleyn karo, iyadoo mararka qaar ay dhacaan falal lid ku ah amniga.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka

PUNTLAND POST